Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya waxa la rejaynayaa in maanta ay isugusoo baxaan shacab tiro badan, kuwaas oo cabasho ka muujin doona weerarkii aroornimadii Sabtida ka dhacay is-goyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo qaban qaabiyay isu-soo-baxa, xili jidadka muhiimka ah ee magaalada oo dhan la xidhay.

alShabab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaas waxayna xuseen in ay beegsanayeen kolanyo siday dad Turki ahaa, balse qaraxa ayaa galaaftay nolosha in ka badan 100 qof oo shacab Soomaaliyeed ah.

Ammaanka Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay subaxnimada saaka oo Khamiisa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga