Illaa 3 qof ayaa ku dhintay halka kumanaan kalana ay ku dhaawacmeen dab xoog badna oo ka kacay kaymo ku yaala waddanka Australia. Dabkan ayaa socda maalintii sadexaad iyadoo uu socdo gurmad balaadhan oo lagu badbaadinayo dadka ka ag-dhawaa kaymaha gubanaya.

Raysalwasaaraha Australia, Scott Morison, ayaa sheegay in ciidanka dalkiisu ay ka qayb qaadan doonaan gurmadka, waxaana la hawlgaliyay in kabadan 1,300 oo dab-damiyayaal ah.

Saraakiisha ayaa ka digaya in dabku uu sii fidi karo marka la eego xaaldaha cimilada oo aan wanaagsanayn.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga