Boqolaal ciidan ah oo daacad u ahaa wasiirkii amniga Jubaland, Cabdirashiid Janan, ayaa ku biiraya ciidanka dawladda federaalka Soomaaliya, sida ay tilmaamayaan xogaha ay helayso warbaahinta SAAB.

Xogaha ayaa tilmaamaya in ciidankan oo fadhigoodu yahay Beledxaawo ay dawladda ku raaceen in lagu daro Ciidanka Xoogga Dalka.

Wasiir Janan ayaa bishii September la xidhay iyadoo loo haysto tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadnaha, waxaana xadhigiisa bogaadiyay hay’ado ay ku jirto Amnesty International.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga