Madaxwaynaha jamhuuriyadda Jabbuuti, mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wasiirka gaadiidka ee dalka Itoobiya Dagmawit Moges, ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay jidka isku xidhi doona magaalada Tadjourah iyo Balho oo Itoobiya kutaal.
Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa sheegay in jidkani uu kor u qaadi doono alaabada kasoo degaysa lagana dhoofin doono dekedda Tadjourah, taasoo la filayo inay dhawaan shaqo bilowdo.
Wasiirka gaadiidka ee dalka Itoobiya, Dagmawit Moges, ayaa iyana dhankeeda sheegtay in jidkan 80 Km ahi uu kor u qaadi doono nolosha dhaqan-dhaqaale ee dadka kunool gobollada waqooyi-bari ee dalka Itoobiya.
Jabbuuti iyo Itoobiya ayaa si wayn iskugu tiirsanaa muddo badan, taasoo Itoobiya waxa ay dhoofinayso amaba lasoo degayso ay ka dhoofin jirtay dekedaha Jabbuuti, halka ay Jabbuutina dhaqaale badan ka helaysay.
Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab, Hargeysa
Kala soco Saab TV, wararkii ugu dambeeyay adduunka iyo geeska Afrikaba, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto warar xaqiiqada ku sal leh.