Roobaba xoogan ayaa ka da’ay qaybo ka mid ah gobolka Baay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo ka tagay khasaare laxaad leh.

Daadadka la dhashay roobabka oo cuslaa ayaa sababay in ay dad badani guryahooda ka baxaan, isla markaana gabaad ka dhigtaan meelaha aanay gaadhin fatahaaduhu.

Deegaanka Bardaale ayay ka jirtaa xaalad adagi, iyadoo ay daadadku saamayn wayn kubyeesheen.

Warkan ayaa imanaya xili ay fatahaadaha webiga Shabeele buuxiyeen inta badan magaalada Beledweyne, halkaas oo dad ka badan konton Kunis oo qof ay ku barakaceen.

Wali ma jirto kaalmo loo fidiyay dadka ay saameeyeen roobabka iyo fatahaaduhu, waxaana deegaanada qaar laga dayrinayaa nolosha dadka jilicsan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga