Dabley hubeysan oo  aan ilaa  hadda la garan heybtooda, ayaa waxaa ay saaka abaaro 5-tii subaxnimo weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhiga dhexe ee magaalada Borama.

Dableyada ayaa waxaa ay iska caabin xoogan kala kulantay ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland ee saldhigaasi ku sugnaa,  taas oo sababtey in ay  meesha ka cararaan dableyadu.

Wax khasaare ahi oo goobta ka dhacay ilaa hadda lama sheegin, balse shacabka magaalada Borama oo la yaabban raraastii meesha ka dhacday ayaa saaka isku soo xoomay  afaafka saldhiga dhexe ee magaalada Borama.
Ciidamada amaankañ ayaa ku daba jira dableyadii weeraran soo qaadey saaka.

Kala soco wararkii ugu dambeeyay Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto warar xaqiiqada ku sal leh.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga