Wararka uu Saab TV ka helayo magaalada Qardho ee gobolka Karkaar, maamulka Puntland, ayaa sheegaya in magaaladaasi ay ku soo rogmadeen daadad sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Booliska gobolka Karkaar ee maamulka Puntland ayaa sheegay, in todoba ruux ay ku geeryoodeen daadadka soo rogmaday, iyadoo sidoo kalena ay jiraan burbur hantiyeed oo halkaas ka dhacay.

Magaalada Qardho ayaa waxaa saacadihii ugu dambeeyay ka da’ayay roobab xooggan, kuwaas oo biyo badan dhigay xaafadaha ay ka kooban tahay magaaladu.

Maamulka gobolka iyo kan degmada, ayaa waxay ku hawlan yihiin, sidii gurmad degdeg ah loo gaadhsiin lahaa dadka ay waxyeelladu kasoo gaadhay daadkan, iyagoo wada hawlo samatabixin ah.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga