Hal qof ayaa dhintay halka ay daraasiin kalena ku dhaawacmeen kadib markii ay rabshado ka qarxeen magaalada Tripoli oo kutaalla waqooyiga dalka Lebnoon, halkaasi oo ay ciidamada Labnaaniyiintu fureen rasaas nool, midda caagga ah iyo gaasta dadka kaga ilmaysiisa.

Kumannaan mudaharaadeyaal ah ayaa xidhay jidadka, iyagoo weeraray bangiyo iyagoona boob kula kacay meherado waddada u dhow maanta oo Salaasa ah, markii uu maalintii Isniintii si degdeg ah u qiimo dhacday lacagtii dalkaasi oo sababtay in Malaayiin qof mushaharadoodii waxba u tari waydo in ka badan kala badh, halka kuwo kale oo lacago ay kaydsadeen qiimo dhacu saameeyay.

Qofka geeryooday, ayaa ahaa nin dhallinyaro ahaa, kaas oo ay da’diisu jirtay 26 sanno, kaas oo sida la sheegay ay ku dhacday xabbad nool oo ay ciidamadu fureen.

Balse afhayeen u hadlay ciidanka ayaa sheegay in ciidanku ay rasaasta kor u ridayeen iyagoo ku kala eryayay dadka soo xoomay.

Lebnaan, ayaa la baaxaa degaysa qiima dhicii ugu waynaa lacagta dalkaasi, taas oo ay sababtay dollar yaraan baaxad leh.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga