Dr. Lorna M. Breen, oo ahayd madaxii qaybta gargaarka ah degdeg ah ee cisbitaalka Pressbyterian Allen, oo ku yaalla magaalada New York ee dalka Maraykanka, taas oo safka hore kaga jirtay la dagaallanka xanuunka Coronavirus, ayaa is-dishay kadib markii ay qoyskeeda u sheegtay niyad-jabka wayn iyo dhaawaca maskaxeed ee uu soo gaadhsiiyay xanuunka Covid-19.

Gabadhan dhakhtaradda ah, oo uu ku dhacay xanuunku, ayaa fasax kaga jirtay shaqada, balse qoyskeeda ayaa sheegay inay si wayn uga werweraysay dadka uu soo ridanayo xanuunku, gaar ahaan dadka geeryoonaya kuwaas oo aan xitaa cisbitaalka la gaadhayn nafta.

Booliska Charlottsville, ee gobolka Virginia, ayaa sheegay inay ka jawaabeen telefan soo galay, kaas oo gargaar lagu dalbanayay, balse waxay ogaadeen in Dr. Breen ay isdilaysay iyadoo loola cararay cisbitaalka, halkaasi oo ay ku dhaawac dhimatay.

Magaalada New york oo keliya, ayaa waxaa Coronavirus ugu geeryooday in ka badan 17,500 oo qof, taas oo magaaladaas ka dhigtay magaalada ugu dhimashada badan cudurka guud ahaan dalka Maraykanka.

Tan iyo intii uu dunida kasoo if baxay Xanuunka Covid-19, ayaa waxaa uu werwer Balaayiin kunool adduunka, iyadoo uu asiibay dad ka badan 3 Milyan iyo saddex iyo kontan kun oo qof adduunka oo dhan, halka u geeryoodeen tiro ka badan 211,500 oo qof.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga