
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo ninka loolanka kula jira ee Dimuqraadiga ah Joe Biden ayaa makarafoonadooda laga bakhtiin doona qaybo ka mid ah dooddooda ugu dambeysa Khamiista si loogu oggolaado murashax kasta inuu dooddiisa sheego iyada oo aan u midka kale ka dhex gelin inta uu hadlayo.
Guddiga Doodaha Madaxweynaha, oo iyagu ah kuwa kafaala-qaada doodda telefishanka laga baahinayo ee Nashville, ayaa sheegay in isbeddelkani uu lama huraan yahay ka dib dooddii ugu horraysay ay ka dhalatay xanaf badan.
Trump ayaa si isdaba joog ah hadalka uga kala dhex galay Biden intii lagu guda jiray kulankii ka dhacay Cleveland bishii Sebtember 29, iyadoo doodduna ku dhammaatay magacyo layskugu yeedho iyo cay.
“Waxaan garwaaqsannay, ka dib wadahadal aan la galnay labada olole, in labada olole midkoodna uusan ku qanacsanayn tallaabooyinka maanta lagu dhawaaqay,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay guddiga. “Waxaan ku qanacsanahay in ficiladani ay dheelitirnaan sax ah yeeshaan oo ay dan u yihiin dadka Mareykanka, ee doodahan loo qabtay.”
Doodda 90-ka daqiiqo ee toddobaadkan, ayaa qabanqaabiyayaashu waxay siin doonaan murashax kasta laba daqiiqo oo waqti aan kala go ‘lahayn bilowga qayb kasta 15-ka daqiiqo ee dood. Dooddani ayaa waxaa dhexdhexaadin doonto weriyaha ka hawlgasha telefishanka NBC gabadha layidhaa Kristen Welker.
“Musharraxa kaliya ee makarafoonkiisu furnaan doono muddadan labada daqiiqo ah waa murashaxa leh dabaqa sharciga,” ayuu yiri guddiga.
Kooxda Ololaha Trump ayaa ka hor yimid isbedelka, laakiin wuxuu sheegay inuu wali ka qeyb qaadan doono.
“Madaxweyne Trump waxaa ka go’an inuu la doodo Joe Biden iyadoon loo eegin isbedelka sharci ee daqiiqada u dambeeysa yimi, kaas oo ka imanaya gudiga aan dhexdhexaadka ahayn ee isku daygoodii ugu dambeeyay ee ay ku doonayaan inay uga faa’iideyaan musharraxa ay jecelyihiin,” ayuu yidhi madaxa ololaha Bill Stepien.
Komishankan qaban qaabiya doodaha murashaxiinta madaxwaynenimada Maraykanka, ayaan iyagu xisbina la jirin.
Trump ayaa goor dambe u sheegay suxufiyiinta inuu ka qayb qaadan doono.
“Waan ka qeyb galayaa laakiin waa cadaalad daro in ay mowduucyada badaleen waana cadaalad daro. Ayuu yidhi Trump, balse kooxaha ololaha u qaabilsan Joe Biden, umay jawaabin markiiba, waxaanay ka gaabsadeen dalab uga yimi wakaaladda wararka Reuters oo ahaa bal jawaabtooda wararkan u dambeeya.