Sudan waxa laga saarayaa liiska wadamada argagixisada taageera ee dalka Maraykanka oo ay sanado badan ku jirtay.

Sudan waxay liiskan ku wayday dhaqaale badan iyo maalgashiyo lagu samayn lagaa dalkan ku yaala waqooyi bari qaaradda Afrika.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa balan qaaday in Sudan uu ka saari doono liiska wadamada argagixisada taageera.

Sudan waxay ogolaatay in ay bixiso adduun lacageed oo dhan $335 million oo la siinayo qoysas Maraykan ah oo eheladooda lagu dilay weerar la dhacay dalka Yemen, kaas oo Maraykanku uu Sudan ku eedeeyay in ay wax ka ogayd.

Sanadkii 1993 ayuu Maraykanku Sudan ku daray liiska madaw. Wuxuu marar kala duwan ku eedeeyay weeraro lagu qaaday safaaradaha Maraykanka ee magaalooyinka Daarasalaam, oo  Tanazania ah iyo Nairobi caasimadda Kenya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga