Tababaraha naadiga ka ciyaara horyaalka waddanka Ingiriiksa ee Manchester City ayaa shaaca ka qaaday in kooxdiisu ay rabto in ay qaado koobka naadiyada Yurub ee loo yaqaano Champions League.

Pep Guardiola ayaa xusay in kooxdiisu ay isu diyaarinayso hanashada koobka horyaalka Yurub, maadaama naadiga Liverpool uu u muuqdo mid qaadaya horyaalka Ingiriiska ee sannadkan, sidaa darteedna aanay ahayn in wakhti ay geliyaan horyaalka Ingiriiska.

Naadiga City ayaan qaadin hal koob oo ka mid ah Champion-ka, waxaana uu macalinkan reer Isbayn doonayaa in uu taariikh kale dhigo isla markaana ku guulaysto koobkan isagoo laylinaya kooxda City oo labadii sanno ee lasoo dhaafay uu u qaaday horyaalka Ingiriiska.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga