Xoghaynta madaxweynihii geeriyooday ee dalka Kenya, Daniel arap Moi ayaa xusay in uu madaxweynuhu ka waynaa 100-jir, isla markaana aanu ahayn 94 sanno.

Lee Njiru ayaa xusay in marar badan uu Mr. Moi yidhi ha sheegin da’dayda dhabta ah, xili uu isagu arkay caddaynta ku xusan aqoonsiga madaxweynaha dhintay oo muujinaysa in da’diisu ay ahayd 103 ama 104 sanno.

“Waxaan idiin sheegayaa in aanu Moi ahayn 94-sanno balse uu ka waynaa intaa. Qiyaastii wuxuu noqonayaa 103 ama 104 sanno jir, marka aan eego aqoonsigiisa. Xaaladdiisa caafiamadna maalinba way kasoo daraysay. Wuxuu ku tukubi jiray ul, mararka qaarna wuxuu raaci jira gaadhiga curyaanka marka uu guriga joogo” ayuu yidhi Njiru.

Madaxweyne Moi oo maanta geeriyooday ayaa la sheegay in ay da’diisu ahayd 94 sanno, balse xoghayihiisa yaa hadda beeninaya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga