Baarlamaanka dalka Itoobiya, ayaa su’aalo la xidhiidha amniga, siyaasadda iyo doorashada dalkaasi waxay wax ka waydiiyeen raysal-wasaaare Abiy Axmed Cali.

Kadib markii uu raysal-wasaare Abiy maalintii shalay hortegay baarlamaanka dalkaasi.

Ra’isal wasaaraha Itoobiya Mr. Abiy ayaa mar uu ka jawaabay su’aal la xidhiidha dhinaca aminiga oo wax laga waydiiyay, ayaa waxaa uu xusay inay laamaha dalka Itoobiya ka hortageen weerarro ay kooxda Al-shabaab la damacsanaayeen dalka Itoobiya, isagoo arrimahaa ka hadlaya, ayaa waxa uu yidhi Mr. Abiy: 

“Haddii aan Al-shabaab tusaale u soo qaato, weerarro la mid ah kuwa ay ka fuliyeen dalka kenya ayay inala damacsanaayeen, balse diyaargarow adag oo ay sameeyeen ciidamada deegaanka Soomaalida iyo laamaha kale ee ammaanka, ayaa waxay kaga hortageen weerarradii al-shabaab ay damacsanaayeen.”

Arrimaha doorashada dalka Itoobiya mar uu ka hadlayay Mr. Abiy, waxa uu sheegay inay shaqadaas leeyihiin guddida doorashada Itoobiya, mar uu baarlamaanka dalku wax ka waydiiyay arrimaha nabadgliyo darro ee ka taagan Itoobiya, ayaa waxaa uu xusay in xalka ugu wanaagsani yahay wada hadal, kaas oo uu sheegay inuu isagu u arko midka ugu habboon.

Tan iyo markii ay Itoobiya isbedelladu ka dhaceen, waxaa sii badanayay xurgufta u dhaxaysa qowmiyadaha, iyadoo dadka qaarna lagu eedeeyay inay si qaldan u isticmaalayaan xorriyadda ka hirgashay Itoobiya.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga