Dadka ajaanibta ah, ayaa sannadihii ugu dambeeyay kusoo badanaya dhulka Somaliland, kuwaasoo sababaha ay halkan u yimaadaan ay ugu wayn tahay dalxiisku.

Dalxiiseyaal u dhashay dalka Ruushka, ayuu maanta Saab TV kula kulmay bartamaha magaalada Hargeysa, Dave Primov, oo hoggaaminayay kooxdan, ayaa u sheegay Saab TV, sidan ”Soomaaliya, ma garanayo, waxa keliya ee aan ka ogaa waa inay khatar tahay, meel ay argagixiso joogto, Muqdishona ay tahay meel dhib badan, maan kala aqoon Somaliland iyo Somalia, imika waxaan joogaa Somaliland, halkani waa ma aha, meel halis ah, cunto aad u wanaagsan oo dhadhan leh, dad lala saaxiibi karo, halkan haba yaraatee wax dhibaato ahi kama jiraan”

 

kooxdan dalxiiseyaasha ah, oo uu Saab TV, kula kulmay bartamaha Hargeysa, waxay socdeen keligood, waxay noo sheegeen inaanay habayaraatee jirin wax nabadgeliyo darro ah oo ay lafahooda uga baqaan, taasoo gebi ahaanba meesha ka saartay fikrad qaldan oo loogu bahala-geliyay dhulkeenna.

Dave Primov iyo kooxdiisa oo u dhashay dalka Ruushka, ayaa Somaliland ku yimi socdaal ay kusoo mareen in ka badan 108 dal oo kuyaal adduunyada, Dave ayaa ii sheegay inaanu jirin macluumaad hagaagsan oo ku qoran afka Ruushka, kaasoo ka sheekaynaya Somaliland, nabadda taal, balse ay iyagu noqon doonaan kuwo maqal, muuqaal iyo qoraalba kusoo bandhiga waxa ay halkan ku arkeen, maadaama ay yihiin dad You Tube-ka ka caan ah oo muuqaallo badan soo geliya bartooda.

Xerta Dave Primov, ayaa iyana noo sheegay inay Somaliland tahay meel wacan, oo ay u sheegi doonaan saaxiibadood inay halkan yimaadaan una soo dalxiis tagaan.

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab Hargeysa.

Kala soco Saab TV, wararkii ugu dambeeyay geeska Afrika iyo adduunka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga