Fatahaadan Oo Noqoneysa Tii Ugu Cusleyd Ee Sanadihii Ugu Danbeeyay Soo Marta Magaalada Beledweyne Ayaa Saameyn Adag Oo Dhinaca Nolasha Ah Ku Yeelatay Kumannaan Kun Oo Qoysas Soomaaliyeed,

Ciidamada Jabuuti Ee Qeybta Ka Ah Howlgalka Midowga Africa Amisom Oo Kaashanaya Kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ayaa Bilaabey In Ay U Gurmadaan Qoysaska Ku Dhax Go’Doonsan Daadadka Ku Rogmaday Xaafaddihii Ay Ku Noolaayeen,

Maanta Ayaa La Arkayay Gadiidka Ciidamada Oo Ay Saaran Yihiin Kuwa Howlgalka Midowga Africa Amisom Oo Dadka Ka Soo Saaraya Xaafaddaha Ay Biyuhu Harqiyeen Iyaga Oo Geynaya Dhulka Taaga Ah Oo Ay Dadku U Barakaceen.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare Oo Shir Jaraa’Id shalay Ku Qabtay Magaalada Beledweyne Ayaa Uga Mahad Celiyay Ciidamada Amisom Kuwa Dowladda Soomaaliya Gurmadka Ay U Fidinayaan Dadka Ay Saameysay Fatahaada Wabiga Shabeelle.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga