Cabdirashiid Janan oo ah wasiirkii aminga maamulka Jubbaland ayaa maanta magaalada xeebta ah ee Kismaayo ku galay doon uu kasoo raacay xeebaha u dhaw magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, sida ay tilmaamayaan xogaha ay helayso warbaahinta SAAB.

Wasiirka ayaa u xidhnaa dawladda federaalka Soomaaliya, waxaana warkiisa aan la maqal muddo maalmo ah kadib markii uu ka abxsaday xabsig ku yaala magaalada Muqdisho.

Maamulka Jubbaland ayaan wali ka hadal imaatinka wasiirkooda u xidhnaa dawladda dhexe oo xadhigiisa ay hore usoo dhaweeyeen hay’adaha u dooda xuquuda aadanaha.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga