Xildhibaanada dabada ka riixaya mooshinka xilka lagaga qaadayo madaxweyne Trump ayaa dalbanaya in loo ogolaado in ay aqalka sennadka hortiisa keenaan markhaatiyaal ku caddeeya Trtump dacwadaha ay hore ugusoo oogeen.

Dimuqraadiyiinta ayaa raba in Trump birta la dhaafiyo isla markaana xilka laga xayuubiyo ka hor doorashada madaxtinimada oo bilo ka hadhsanyihiin. Waxay doonayaan in la keeno John Bolton oo sheegay in madaxweyne Trump uu si cad uga codsaday in uu joojiyo kaalmada uu Maraykanku siiyo Yukrayn hadii aanay baadhitaan ku samayn ninka la loolamaya ee John Baden.

Jimcaha maanta ayaa la filayaa in uu aqalka sennadku cod kama danbayn ah u qaado arrinta Trump, balse waxay u muuqataa in aan xilka laga qaadi doonin maadaama uu xisbigiisu ku xooganyahay aqalka odayaasha ama sennedka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga