Boqortooyada Midowday ee Ingriiska, ayaa xaqiijisay labadeeda kiis ee ugu horreeya cudurka ‘coronavirus’, maalin uun ka dib markii Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) uu ku dhawaaqay fiditaanka xaalad degdeg ah oo caalami ah.

Ugu yaraan 213 qof ayaa u dhimatay cudurkan dalka Shiinaha, iyadoo dalal badan ay ku dhawaaqeen qorsheyaal ay uga daadgureynayaan muwaadiniintooda magaalada uu faraha badan ku hayo ee Wuhan, taas oo ah magaalada Shiinaha  kutaal ee xudunta u ah cudurka dillaacay.

Xukuumadda Shiinaha ayaa sheegtay inay jiraan ugu yaraan 9,809 qof oo la xaqiijiyay inuu qabaan cudurka, kaasoo ku faafay gobolka Hubei oo ka mid ah 31ka gobol ee Shiinaha.

Sidoo kale 102,000 oo qof ayaa sidoo kale la sheegay in lagu sameeyay kormeer caafimaad kuwaas oo ay ka muuqdeen astaamo suurgal ah oo uu leeyahay cudurkani. 

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga