Sucuudiga ayaa sheegay in kaliya 1,000 ay sanadkan ka qayb qaadan doonaan xajka muslimiinta ee sanad walba Sucuudiga loo tago. Waa tiro aad uga yar marka la barbar dhigo malaayiinta muslimiinta ahayd ee halkan iman jirtay sanadadii lasoo dhaafay.

Xanuunka Covid-19 ayaa sababay in la joojiyo dadkii xajka u imanayay Sucuudiga, waxaana dadka nasiibka u helay in ay xajaan ay raaci doonaan tilmaamaha ka hor taga xanuunka. 2.5 mllion oo qof ayaa sanadadii hore xaji jiray.

29-ka bishan July oo muddo 7 maalmood ahi ay inaga xigaan ayuu si rasmi ah xajku u bilaaban doonaa.

250,000 oo kiis oo xanuunka Covid-19 ah ayaa laga helay dalka Sucuudiga, waxaana ay dawladdu hore u go’aansatay in tiro aad u yar oo dad ahi ay xaji doonaan.

Dhammaan dadka xajaya sanadkan ayaa ah dad ku sugnaa gudaha dalka Sucuudiga, waxayna mari doonaan baadhitaano caafimaad ka hor inta aanay xidhanin xajka.

Malaayiin muslimiinta dunida ku kala dhaqan ah ayaa sanad walba taga Sucuudiga si ay u gutaan xajka iyo cumarada. Sucuudiga ayaa ka hela $12bn sanad walba.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga