Warbixin dheer oo ay daabacday BBC qaybteeda adduunyada la hadasha ayaa lagu sheegay baahida ay Soomaaliya u qabto xiligan ciidamada Maraykanka ee ka baxay gudaha Soomaaliya.

Illaa 700 oo askari ayaa ka baxay Soomaaliya kadib amar uu bixiyay Donald Trump, madaxweynaha xilka kasii degayaa.

Khubarada Soomaalida iyo kuwa caalamiga ah ayaa ka digaya in ay fursad u noqon karto alShabab.

La-taliyhii hore ee ammaanka ee madaxweyne Farmaajo ayaa BBC isagoo la hadlaya walaac ka muujiyay bixitaanka ciidamada Maraykanka. Wuxuu sheegay in ay xili adag tahay oo alShabab ay awood leedahay wali. “Qof walba alShabab ayaa cashuurta, si toos ah iyo si dad-badna labadaba, xataa madaxweynaha marka lagu daro. Cuntada uu cuno way cashuuraan” ayuu yidhi la-taliyaha hore.

AlShabab ayaa siyaabo kala duwan cashuuro uga qaada ganacsiyada Soomaaliya, iyadoo kuwa bixin waaya lala beegsado qarax, waxa sidan ku warantay BBC. Dadka cashuurta diiday ee la qarxiyay waxa ka mid ah Elite Hotel oo mulkiilahiisa uu sheegay in uu diiday lacagta alShabab kadibna weerar lala beegsaday hotel-kiisa.

Soomaaliya ayaa doorashooyin lagu muransanyahay isu diyaarinaysa, waxaana ay beesha caalamku ku baaqaysaa in heshiis la gaadho iyadoo khubaraduna ay ka werwersanyihiin ammaanka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga