Ciidanka bookiska Soomaaliya ayaa bilaabay baadhitaano la xidhiidha qaabkii loo dilay AHU Almaas Elman oo shalay toogasho lagu dilay.

Mrs Elman oo ahayd shakhsi u dhaqdhaqaaqda nabadda iyo dib-usoo-kabashada Soomaaliya ayaa shalay lagu dilay gudaha xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, oo ah goob ammaankeeda aad oo loo ilaaliyo oo hoy u ah ajaanibka Soomaaliya, sida safaaradaha iyo hay’adaha.

Wali lama oga cidda ka danbaysay dilka toogashada ahaa. Waxaana rasaastu ay ugu gashay Almaas gaadhiga ay wadatay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga