Madaxweynaha cusub ee dalka Sri Lanka ayaa nin ay walaalo yihiin u magacaabay ra’iisul wasaaraha waddanka. Madaxweynahan ayaa dhawaan talada qabtay.

Gotabaya Rajapaksa ayaa walaalkii Mahinda u magacaabay ra’iisul wasaaraha cusub ee Sri Lanka. Mahinda ayaa isa laftiisu mar soo noqday madaxweyne laba sanno talada hayay.

Arintan ayay dad badan oo shacabka reer Sri Lanka ahi aaminsanyihiin in ay soo xasuusinayso maamulkii qabyaaladda lagu bartay ee xukunka lags tuuray 10-sanno ka hor.

Bulshada caalamka ayaa sidoo kale arintan siyaabo kala duwan uga hadashay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga