Tirada dadka laga helay xanuunka Covid-19 ee gudaha Somaliland ayaa kor u kacay, iyadoo tirada dhimshaduna ay la korodhay Aaxadda maanta.

Wasaaradda caafimaadka ee Somaliland ayaa shaacisay in 6 qof oo cusub laga helay xanuunka, halka ay diwaan galiyeen dhimashada hal qof oo u geeriyooday Covid-19.

Guud ahaan tirada kiisaska la diwaan galiyay ee Somaliland ayaa noqonaysa 40 qof halka dhimashaduna ay tahay 4, waxa sidoo kale bogsaday 3 ruux.

Covid-19 ayaa u muuqda in uu ku fidayo bulshada dhexdeeda gudaha Somaliland, iyadoo xanuunku uu mar hore gaadhay marxalada faafintaanka bulshada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga