Waqooyiga Kuuriya waxay sanadkii dhammaaday ee 2020 sii waday horumarinta barnamijkeeda nukliyeerka iyo gantaalada rabadhka ah, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Qaramada Midoobay.

Xukuumadda Pyonyang ayaa lacago badan ka xaday aaladaha lacagaha la dhex mariyo si ay u hesho dhaqaale ay ku bixiso barnaamijkeeda nukliyeerka iyo gantaalada. Waxay sidoo kale taaageero ka eshay dawladda Iran, sida lagu xusay warbixinta Qaramada Midoobay.

In ka badan $300million ayay ka jabsatay lacagaha internet-ka la dhexmariyo iyadoo intaa wixii ka danbaysayna ku bixisay farsamaynta nukliyeerka.

Dawladda Maraykanka oo iyadu ah tan cadaadiska ugu badan ku haysa dawadda Waqooyiga Kuuriya ayaa sheegtay in ay dhawaan soo saari doonto siyaasado ku wajahan Pyongyang, kadib maamulka cusub ee Joe Biden oo bishii dhammaatay talada la wareegay.

Waqooyiga Kuuriya ayaa diiday in ay ka hadasho warbixinta Qaramada Midoobay kadib wakaalada wararka ee Reuters oo la xidhiidhay diblomaasiyiinta Pyongyang ee Qaramada Midoobay ku sugan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga