Baroor-diiqda Jeneraal Sulaymaani ayaa wali ka socota dhammaan gudaha waddanka Iran, iyadoo malaayiin dad ahi ay maalintii labaad iskugusoo baxeen magaalada caasimadda ah ee Tehran.

Maalintii labaad ayay dadku u taaganyihiin aaska Sulaymaani, waxaana la qorshaynayaa in maanta oo Isniin ah si rasmi ah loo aaso Jeneraalka oo awood badan lahaa isla markaana lagu tilmaami jiray maskaxda ka danbaysa dhammaan siyaasadaha milatari iyo is-fidinta Iran ee gobolka Bariga Dhexe.

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran ayaa mar kale wacad ku maray in ay aar-goosi aan hore loo arag kaga jawaabi doonaan dilkiisa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga