Waaxaha Maraykanka ee difaaca ayaa cadeeyay in qaar ka mid ah saraakiishooda ku sugnaa xeebaha Lamu ee waddanka Kenya lagu dilay weerar ay qaaday kooxda alShabab halkaas oo tiro kale oo ka mid ah ciidnaka Ameerikaankana lagu dhaawacay.

Hal sarkaal iyo laba muwaadin oo Maraykan ah isla markaana la shaqaynayay ciidanka ayaa lagu dilay weerarka oo subixii Axadda lagu qaaday Xero ku taala deegaanka Lamu ee waddanka Kenya. Laba askari oo kale ayaa lagu dhaawacay weerarka oo qaraxyo iyo ciidan hubaysan loo adeegsaday.

AlShabab waxay dhankeeda xustay in ay qayb ahaan saacado la wareegtay maamulka xerada oo ay degenaayeen ciidamo iskugu jira Kiiniyaan iyo Ameerikaan. Waxay soo bandhigeen sawiro ay ku cadaynayaan sheegashadooda, iyagoo halkaas ku baabiiyay illaa afar diyaaradood oo laba ay ahaayeen kuwa qummaatiga u kaca.

Kooxda alShabab ayaa inta badan weeraro dhimasho badan ay ka dhalato ka fulisa gudaha waddanka Kenya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga