Lamaanaha ugu da’da wayn dunida ayaa u debaal degaya sanad guurada 80-naad ee guurkooda, waxaana xaflad ballaadhan loogu qabtay magaalada Austin ee gobolka Texas ee waddanka Maraykanka.

Waxay kala jiraan 106 iyo 108 sanno, walina waxa ay sheegayaan in ay isku faraxsanyihiin.

John iyo Charlotte waxay si wada xasuus ugu qaateen beer ku taala magaalada Austin halkaas oo ay iskugu yimaadeen dadka ay qaraabada yihiin iyo dad kale oo badan oo ay soo jiidatay sheekadoodu.

Waxay isku barteen jaamacadda Texas, halkaas oo ay 1939-kii ku aqal-galeen.

Waxa ay si wada jira u sheegeen in sirtoodu ay tahay in ay dadku ku noolaadaan nolol bilaa cadho ah oo qofku uu dareenkiisa ilaaliyo, iyo in aad daacad u ahaato qofka uu xidhiidhka jacaylku idinka dhexeeyo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga