Kooxda Daacish ayaa mar kale u muuqata mid isa soo abaabulaysa, laba sanno kadib markii ay lumiyeen deegaankii ugu danbeeyay ee ay gacanta ku hayeen.

Gudaha waddanka Ciraaq ayay kooxdu ka wadaa abaabul xoogan oo ay ku dheehanyihiin farsamooyin heer sare ahi, sida ay saraakiil ka tirsan kuwa Kurdida iyo reer Galbeedku u sheegeen warbaahinta BBC.

Dagaalyahanada iyo xubnaha ururka ayaa ka khatar badan kooxda alQaacida, iyagoo la imanaya xirfad iyo xeelado aan hore loo arag, si ay mar kale u qabsadaan deegaano hor leh.

Kooxda ayaa la jabiyay sanad la hor iyadoo laba sanno laga joogo markii laga saaray Ciraaq. Hadda ayaa laga cabsi qabaa in ay dib usoo xoogaystaan, maadaama ay aragtidoodu ku xoogantahay meelo badan oo gudaha waddanka ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga