Kooxda Barcelona ee ka dheesha horyaalka waddanka Isbaanishka ayaa shaqada ka fadhiisisay macalinkii naadiga, Ernesto Valverde, oo in muddo ah laylinayay kooxda.

Tababare Valverde oo 55-jir ah, wuxuu kooxda Barcelona u qaaday laba koob oo horyaalka Isbaanishka ah laba sanno oo xidhiidh ah, balse wuxuu ku guul-darraystay in uu kooxda gaadhsiiyo kulanka ugu danbeeya ee horyaalka Yurub loona yaqaano Champions League.

Barcelona waxay magacawday tababare cusub oo naadigu yeelanayo. Quique Setien, oo hore macalin ugu ahaa kooxda Real Betis ayaa loo dhiibay hoggaanka naadiga, xili ay kooxdu safka hore kaga jirto kala-horaynta horyaalka Isbaanishka, balse ay rabto in ay qaado horyaalka Yurub.

Setien, oo 61-jir ah, ayaa kooxdiisa hore ee Real Betis ka caawiyay in ay markii ugu horeysay muddo 14-sanno ka badan ku dhammaysato dhibcihii ugu wanaagsanaa.

Shaqada ugu muhiimsan ee imika u taalaa, waa in uu kooxda u qaado horyaalka Yurub.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga