Ciidamada xooga dalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Danab, ayaa la wareegay deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeelada Hoose, oo ahaa saldhigga ugu wayn ee alShabab ay ku lahayd gobolka Shabeelada Hoose.

Xoogagga Danab ayaa guud ahaanba la wareegay gacan-ku-haynta deegaanka maalintii shalay ahayd, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka, ciidanka iyo warbaahinta deegaanku.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka kooxda alShabab oo la sheegay in saldhiggoodii iyo guud ahaan deegaankaba laga qabsaday.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga