Hakan Sukur waa gooldhaliyaha ugu weyn Turkiga waxaanu kamid ahaa weeraryahannadii loogu jeclaa qaaradda Yurub. Si kale kuma garatide waa Halyeey.

Haddaba ninkan dalkiisa laga jeclaa, lacagta badanna lahaa sidee buu ku noqday Taksiile arsaaqad ka raadiya tagsiyada iyo iibinta buugaag ka sheekaynaysa nolosha Maraykanka isagoo ka haajiray dalkiisii hooyo.

Waraysi uu siiyay wargeeska Axad laha ah ee dalka Jarmalka, lana yidhaa Welt am Sonntag, ayuu  48-sanno jirkani ku sheegay inuu la kulmay xaalad adag kadib markii uu ciyaaraha ka fadhiistay sannadkii 2008-ddii. 

Hakan, ayaa Wuxuu ku andacooday in khilaaf uu la galay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan uu daaha ka qaaday hanjabaadyo dil ah, eedeymo been abuur ah iyo dhaqaale helitaan la’aan.

“Waxba iimay hadhin hadhin, Erdogan wuxuu qaatay wax walba: xuquuqdayda xorriyadda, xorriyadda hadalka iyo xaqa aan u leeyahay inaan shaqeeyo,” ayuu u sheegay wargeeska.

Sukur wuxuu dhaliyay 51 gool 112 kulan oo uu u saftay dalkiisa Turkey intii u dhaxeysay sanadihii 1992 iyo 2007.

Hakan Sukur oo u ciyaaraya dalkiisa Turkiga kulan ay iskaga hor imanayeen dalka Koonfur Kuuriya ciyaarihii koobka adduunka ee sannadkii 2002

Kadib markii uu ciyaaraha ka fariistay, wuxuu galay siyaasada. Sannadkii 2011, Sukur wuxuu ku guuleystey inuu xubin ka noqdo baarlamanka Turkiga isagoo kasoo baxay xisbiga caddaaladda iyo horumarka ee madaxwayne Erdogan. 

Ninkan, ayaa sidoo kale ku xidhnaa  Fethullah Gulein kaasoo Madaxweynaha Turkiga uu ku eedeeyay inuu ka dambeeyay iskudaygii Afgembi sannadkii 2016. Sukur, markaa wuxuu joogay Maraykanka, wuu dhaleeceeyay iskudayga Afgembi, balse warbaahinta dawladdu maamusho ayaa ku sheegtay inuu ahaa xubin baxsad ah oo katirsan ururka Feto.

Guryihiisii qaaliga ahaa, meheradihiis iyo xisaabihii bangiyada uga furnaa ayay la wareegtay xukuumadda Turkigu, inkasta oo uu imika kunool yahay guri 3 Milyan oo dollar qiimihiisu dhan yahay kuna yaalla aagga aadka qaaliga u ah ee Palo Alto San Franscisco Bay Area, Sukur ma aha mid niyad ahaan deggan.

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab Hargeysa

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga