Sida ay ku waramayso warbaahinta gudaha ee waddanka Itoobiya, maalintii Axadda ayaa bambooyin ah nooca gacanta laga tuuro lagu weeraray goob loo qorsheeyay in ra’iisulwasaaraha waddanka Itoobiya uu khudbad ka jeediyo.

Deegaanka oo ku yaala galbeedka magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa ayay deegaan ahaan ku dhaqanyihiin dadka Oromadu, wuxuuna ka tisanyahay gobolka Oromada ee Itoobiya.

Dadka ayaa ka kala dareeray goobta kadib weerarka, iyadoo aanu Abiy Ahmed kasoo xaadirin goobta kadib rabshadaha dhacay.

Waxa jira dad badan oo ku dhaawacmay goobta, iyadoo boolsika deegaanku ay la tacaalayaan xaaladda taagan. Illaa 30 qof ayay gaadhyaan dhaawacyadu.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga