Madaxweynaha waddanka Maraykanka ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu ka dego waddanka India, isagoo halkaas ku bookhan doona saddex magaalo oo ka mid ah India waxaanay kala yihiin Delhi, Agra iyo Gujarat.

Raysalwasaare Modi ayaa qorshaynaya in uu Trump u sameeyo soo dhawayn ballaadhan oo aan hore loogu siinin wadamadii uu hore u tegay, waxaana la filayaa in isu-soo-baxii ugu waynaa ee meel Maraykanka ka baxsan loogu smaeeyo Trump loogu dhigi doono gudaha garoonka ugu wayn caalamka ee lagu ciyaaro cricket-ka.

Maraykanka iyo India waxay rabaan in ay sii xoojiyaan xidhiidhka ka dhexeeya, iyadoo la filayo in labada madaxweyne ay arintan ka wada hadli doonaan. Arimaha ganacsiga labada waddan ayaa sidoo kale iyaguna ahaan doona kuwa ugu muhiimsan ee ay isla soo qaadayaan.

HAB-MAAMUUSKA LA SIINAYO

Madaxweyne Trump ayaa loo qorsheeyay hab-maamuus heer sare ah, balse dhanka cuntada amdaxweynaha ayaa wali ay dad badani ka shaki sanyihiin nooca cuntada ee la siin doono inta uu joogo gudaha waddanka India.

Trump waa nin jecel isteega, beegarada iyo hilibka la moofeeyo isla markaana lagu dhex daro cuntooyinka kale ee meatloaf-ka loo yaqaano afka qalaad. Balse saaxiibkii, raysalwasaaraha India, ayaa isagu jecel cuntooyinka cagaaran iyo khudaarta.

Madaxweyne Trump waligii lama arag isagoo cunaya khudaar, sida uu sheegay qof dhawr jeer safaro ku weheliyay Donald Trump.

Waddanka India waxa aad looga isticmaalaa lo’da, balse taas lafteeda madaxweyne Trump ma cuno, waxaana sidoo kale jirta in kambaniga uu cuntooyinkiisa jecelyahay ee McDonald aanu cuntooyinka uu Trump jecelyahay ku samayn gudaha India.

Lama oga cuntada la siin doono Trump, balse waxay u badantahay in raysalwasaare Modi uu u keeni cuntooyin uu isagu ugu talo galay, taas oo aan la ogayn waxa uu Trump yeeli doono.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga