Maraykanka ayaa ka dalbaday UK inay usoo dhiibto Julian Assange oo ahaa ninkii sameeyay tafaftirane ka ahaa website-kii faafiyay siraha badan, sirahaas, oo uu Maraykanku ku tilmaamay inay khatar geliyeen ammaanka shaqaale, basaasiin iyo shirkado Maraykan ah oo ku sugnaa dalalka Ciraaq, Afgaanistaan iyo Iiraan.

Kadib markii website-kiisa WikilLeakes uu caan noqday sannadkii 2010-kiI, markaas oo lagu baahiyay qoraallo, muuqaallo iyo sawirro sir ahaa oo laga helay sirdoonka Maraykanka, ayaa Mr. Assange galay safaaradda dalka Ecadour, halkaas oo uu kujiray muddo 7 sanno ahayd.

Sweden, ayaa hore ugu jartay waaran loogu soo gacangelinayo, iyadoo sheegtay inuu ninkani ku kacay falal galmo sharci darro ah mar hore, balse dalabka Maraykanka ayaa imanaya xilli dibadda laga soo dhigay safaaraddii uu ku jiray muddada badan.

Qareen u doodayay Washington oo jooga London, ayaa sheegay inuu ninkani dambi ka galay Maraykanka, ayna jeclaan lahaayeen in loo gacan geliyo dalkaas si halkaa loogu maxkamadeeyo.

Mr. Assange, ayay dad badani u arkaan inuu yahay nin cadow ah oo faafiyay siraha dalalkooda, halka qaar Kalena ayba ku doodayaan in la siiyo abaal-marinta nabadda adduunka ee Nobel Peace Prize, iyagoo ku sababeeyay inuu rabay joojinta dagaallada adduunka ka taagan xilligan, taasoo sida ay sheegeen ah kuwo aan loo baahnayn.

Si kastaba ha ahaatee Mr. Assange, ayaa kamid ah shakhsiyaadka loogu hadal-haynta badan yahay adduunka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga