Baaqyada Caalamiga ah ee loo jeedinayo kooxda Daalibaan ayaa sii kordhaya maalmihii lasoo dhaafay, kadib wararka soo baxaya ee sheegaya dilalka ay Daalibaan fulinaysay muddooyinkii danbe.

Baaq ay si wada jira usoo saareen 22 dawladood oo Maraykanka iyo xulafadiisa ah ayaa Daalibaan loogu baaqay in ay joojiso wax ay ku sheegeen dilalka qorshaysan ee ka dhanka ah ciidamadii dawladdii hore ee Afkaanistaan.

Horaanta todobaadkan ayay ahayd markii ay hay’adda xuquuqda aadanaha ee HRW ay ku warantay in 100 dil ay fulisay Daalibaan tan iyo markii ay xukunka qabatay, waxa sidoo kale ciqaab adag la marsiiyay saraakiil ka tirsan dawladdii hore, sida lagu xusay warbixinta HRW.

Warkan ayaa imanaya xili ay Daalibaan hore u balan qaaday in aanay wax dhibaato ah gaadhsiin doonin saraakiisha iyo shaqaalaha dawladdii dhacday ee Afkaanistaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga