Madaxweynaha Turkiga wuxuu ka badbaaday isku day dil sida ay ku warantay dawladiisu.

Waxay ahayd magaalo dhacda koonfur bari Turkiga, Siirit, halkaas oo lagu qabanayay isu soo bax uu khudbad ka jeedinayay madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Erdogan.

Gaadhi uu watay mid ka mid ah ciidamada booliska ee Turkiga ayaa laga helay walxaha qarxa ka hor inta aanu Erdogan meesha iman.

Askariga ay ka tirsanaa ciidamada ilaalada loo keenay goobta, iyadoo baadhitaan lagu bilaabay.

Erdogan oo khudbad jeediyay wuxuu xusay in aanu dalkiisu ka daali doonin wax uu ku sheegay la dagaalanka argagixisada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga