Madaxweynayaasha Ruushka iyo Maraykanka ayaa yeelanaya wada hadal iyagoo ka wada hadli doona xiisadaha muddooyinkii ugu danbeeyay jiray.

Arinta ugu horaysay ee miiska saaran ayaa ah xiisadda Ukraine oo laba cabsi qabo in dawladda Ruushku ay mar kale weerar ku qaado qaybo ka mid ah Ukraine.

Wada hadalada labada hogaamiye ee wadamada ugu awoodda badan dunida ayaa imanaya kadib markii xoghayaha arimaha dibadda ee Maraykanka, Anthony Blinken, uu shaaciyay in dawladiisu ay hayso caddaymo muujinaya in Ruushku dejiyay qorshe ballaadhan oo ah weerar culus oo uu ku qaado Ukraine, dal la saaxiib ah Maraykanka misana qayb ahaan khad cas u ah xukuumadda Moscow.

Ku dhawaad 100-kun oo milatariga Ruushka ah ayaa la keenay xadka Ukraine iyo Ruushka, waxa wehelinaya gawaadhida gaashaaman iyo hubka wax burburiya noocyadooda casriga ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga