Madaxweynaha maamulka Jubaland ee koonfurta Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in uu ka dego garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa galinka danbe ee maanta tegi doona Muqdisho iyadoo ay weheliyaan ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee maamulka Jubaland.

Ujeedada safarka Axmed Madoobe ayaa la sheegay in ay tahay ka qayb galka shir ka dhici doona garoonka Muqdisho oo u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo dawladda dhexe, kaas oo ay kasoo shaqeeyeen beesha caalamku.

Amniga madaxweynaha waxa sugi doona ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulkiisa qaar, iyadoo la dejinayo gudaha madaarka oo guri looga diyaariyay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga