Maamulka Puntland ee dalka Soomaaliya ayaa markii ugu horaysay soo saaray amaro adag oo dhanka ammaanka ay ku sugayaan, kuwaas oo saamaynaya dadka safarka ah.

Sarkaal u hadlay ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa yidhi “Qof walba oo soo galayo amaba ka baxaya magaalada waxaa laga doonayaa inuu keeno damiin isla markaana cadeeyo ujeedada uu uga baxayo amaba u soo galayo magaalada.”ayuu yidhi sarkaalka oo lagu magacaabo Axmed Maxamuud Cali.

Dadka raba in ay Puntland tagaan iyo dadka ka baxaya ayay si toos ah u saamaynayaan amaradani.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga