Waa kor u kacii ugu horeeyay intii uu bilaabmay fayraska halista badan ee Covid-19 iyadoo sare-u-kac laga dareemay suuqyada.

Qiimaha shidaalka ee dunida ayaa kor u kacay kadib weeraro ay kooxda Xuutiyiintu ku qaaday ceelasha saliida Sucuudiga oo qaarkood ay dhaawac gaadhsiiyeen.

$70 lacag ka badan ayay markii ugu horaysay noqotay foostadu muddo sanad ka badan imika. Sidoo kale Maraykanka waxa uu shidaalku kacay qiime badan muddo ka badan laba sanno kadib markii uu jabay.

Suuqyada qaaradda Asia ayaa foostada la kala siisanayay $71.3, iyadoo suuqyada kalana ay ku dhawyihiin qiimahaas.

Xuutiyiinta Yemen waxay maalintii Axadda gantaalo iyo diyaaradaha aan cidi wadin ee drone-ka loo yaqaano noocooda yaryar ku weerareen qaar ka mid ah ceelasha saliida ee ugu waawayn dalka Sucuudiga. Xuutiyiinta ayaa kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha Sucuudiga ee ay ku beegsato ceelasha adduunka badan lagu bixiyay ee saliida Sucuudiga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga