Madaxweynaha maamulka Jubaland ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland ku qaabilay safiirka dawladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya iyo madaxa ciidamada Maraykanka Afrika ee AFRICOM loo yaqaano.

Axmed Madoobe ayaa danjire Donald Yamamoto iyo Gen. Stephen J. Townsend kala hadlay xaaladaha ka taagan gobolka Gedo, khilaafka ka dhexeeya maamulkiisa iyo dawladda federaalka iyo sidii hawl-gal midaysan xoogaga alShabab lagaga saari lahaa deegaanada Jubaland.

Intii uu waftiga Ameerikaanku ku sugnaa magaalada, waxa jiray isku-dhacyo u dhaxeeyay xoogag ka amar qaata Cabdinaasir Seeraar iyo kuwa maamulka Jubaland. Rasaas xoogan ayaa magaalada laga maqlayay.

Maamulka Jubaland ayaa sheegay in ay waftiga Maraykanka kala hadleen in ciidanka dawladda laga saaro deegaanada gobolka Gedo, isla markaana ay gacanta ku hayaan kuwa maamulka Jubaland.

Safaaradda Maraykanka iyo ciidanka AFRICOM wali wax war ah kamay soo saarin kulanka dhex maray Madoobe, Yamamoto iyo Townsend.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga