President Rodrigo Roa Duterte, in his speech during the groundbreaking ceremony of the Binondo-Intramuros Bridge and Estrella-Pantaleon Bridge in Intramuros, Manila on July 17, 2018, expresses his gratitude to China for funding the construction of the two bridges. ALFRED FRIAS/PRESIDENTIAL PHOTO

Rodrigo Duterte, madaxwaynaha dalka Philippines, ayaa lagu yaqaan nin aan u jixin jixin dadka ka ganacsada mukhaadaraaka iyo dalalka galbeedka gaar ahaan Maraykanka, Xukuumadda Philippines ee madaxwayne Duterte uu hoggaamiyo, ayaa hore waxay u sheegtay inaanay cusboonaysiinayn doonin heshiis dhanka ammaanka ahaa oo ay hore u wada ee ay wada galeen Filibbiin iyo Maraykanku, heshiiskaas, ayaa dhigayay inay ciidamada dalka Maraykanku ku tababaran karaan gudaha Filibbiin iyada oo ay dhoollatus la samayn karaan ciidamada Militariga ee dalkaas.

Mr. Rodrigo Duterte ayaa horay ugu hanjabay in uu ka leexan doono waddada xidhiidhka dalkiisu uu la lahaa Maraykanka isagoo sheegay inuu u weecan doono dhanka dalka Shiinaha. 

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Filibbiin, ayaa waxaa uu barta uu ku leeyahay Twitter-ka waxa uu ku sheegay in ogeysiis rasmi ah oo ku saabsan xilliga uu ku egyahay heshiiskii dhanka ammaanku la siiyay Dawladda Mareykanka.

Ogeysiiska uu wasiirka arrimaha dibaddu sheegay, ayaa ku eg wakhtiga ay ku heshiiyeen labada dal inuu dhammaado heshiisku.

Mareykanka oo ka hadlay arrinkaas, ayaa isna dhankiisa xusay inay arrintani saamayn ku yeelan doonto xidhiidhka labada dal. 

Joojinta ay Filibbiin doonayso heshiiska Maraykanka, ayaa kusoo beegmaya kadib markii dalk-ku-galka Maraykanka loo diiday nin ay saaxiib yihiin madaxwayne Duterte, xilli uu Maraykanku hore u sheegay ballaadhinta saldhiggiisa Militari ee uu ku leeyahay dalkaas.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga