Somali national army soldiers stand in formation during a logistics course graduation ceremony. Soldiers from Somali???s advanced infantry DANAB battalion spent 14 weeks training with the U.S. 10th Mountain division on the importance of logistical operation as well as the operation and maintenance of heavy equipment. (Photo by MC2 (SW/AW) Evan Parker. Released)

Dawladda Maraykanka ayaa shaacisay in ay taageero xaddidan siin doonto ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya.

Maraykanka ayaa soo celinaya kaalmadan dhanka milatariga oo hore uu u joojiyay, isagoo u sababeeyay in aanu hanaan isla-xisaabtan ahi ka jirin ciidamada dhexdooda, isla markaana kaalmadooda loo isticmaalayo sidii la doono ama ay marayso meelo aan loogu talo galin, sida in ay gacanta u gasho kooxaha argagixisada.

Warakan oo safaaradda Maraykanku ay baahisay ayaa sidoo kale lagu xusay in kaalmadan dib loo bilaabayo si ay qayb uga qaadato hawlaha lagu curyaaminayo argagixisada, iyo iyadoo ciidanka Soomaaliya lagu samaynayo dib u habayn mudg leh iyo hanaan daahfurnaani ka muuqato oo bilow ah.

Maraykanka ayay ciidamo aan badnayni hadda ka joogaan Soomaaliya, waxayna intooda badani deggenyihiin xerada Balidoogle oo ay kula suganyihiin ciidamo ka tirsan kuwa xooga Soomaaliya. Waxay tababaro siiyaan ciidanka Soomaaliya, iyagoo soo saaray guutooyin ka mid ah kuwa DANAB ee hadda hawlgalada ka wada gobolada Shabeelooyinka.

Kaalmada milatari ayaa ahaan doonta mid xadidan sida uu Maraykanku sheegayo, waxayna ahaan doontaa mid si toos ah loo siin doono dawladda federaalka Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga