Hargaysa:(SAABTV)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID,Eng. Faysal Cali Waraabe,ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtidaba inay ku tumanayaan Shuruucdii Dalka ee ay iyagu ilaalin la’aahaayeen.

Eng Faysal Cali Waraabe,waxa uu sheegay in isaga oo Madaxweynuhu garanaya Xeerka lagu soo xulayo Guddiga Doorashadda uu hadana si badheedh ah u baal-maray oo Xubnaha uu Komishanka usoo xulay uu ku jira Cabdirashiid Riyo-raac oo Wasiir soo noqday,Xisbiga KULMIYE-na ka tirsan,isaga oo uu u keenay Guddoomiyaha Gollaha Guurtidda,Saleebaan Maxamuud Aaddan.

Dhinaca Kalena,waxa uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe sheegay inuu Madaxweynuhu sas ka qabo dedaaladda Beesha Caalamka oo si weyn u danaynaysa inay Doorashooyinku si habsami ah uga qabsoomaan Somaliland.

Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya inuu Madaxweyne Biixi ku adkaystay in  aanu bedelin Xubanaha uu Komishanka usoo xulay,ka dib kullan uu la qaatay Wakiilka Midawga Yurub ee Somaliya,waxaanu u sheegay Wafdiga inay arrintaasi u taalo Gollaha Wakiiladda Somaliland.Image result for faysal cali waraabe

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga