Ciidamada Israa’iiliyiinta ayaa xaqiijiyay in maanta oo Salaasa ah askari  lagaga dilay daanta galbeed ee la haysto, maalin uun kahor wada hadallo u dhexeeya Maraykanka iyo Israa’iil oo ka  wada hadlaya sheegashada la sheegay inay Israa’iil damacsan tahay inay sheegato daanta galbeed.

Askariga Israa’iiliga ah ee la dilay, ayaa lagu dilay dhagax ay soo tuureen Falastiiniyiin gadoodsani xilli uu hawl-gal ka socday degmada Yabaad oo u dhow waqooyiga magaalada Jenin, kaasi oo ay da’diisu ahayd 21 jir.

Warar laga helay sarkaaiisha dhanka ammaanka ee maamulka Falastiiniyiinta, ayaa sheegay in isku dhacu uu bilaabmay habeenimadii, kadib markii ay ciidamada Israa’iiliyiintu ay weerareen degmadaas.

Rabshadaha u dhexeeya Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta, ayaa imana xilli xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanku uu ku sugan yahay Israa’iil, iyadoo uu la kulmi doono raysal-wasaare Netanyahu-ga Israa’iil iyo ninka la filayo inuu noqdo wasiirka difaaca ee Benny Gantz.

Dadka ka faalloda arrimaha siyaasadda dibadda ee dawladda Maraykanka, ayaa sheegaya in qorshaha nabadda ee maamulka madaxwayne Trump yahay mid calaamadda cagaarka ah siinaya Israa’iil si ay u sheegato daanta galbeed ee la haysto, iyadoo maamulka Falastiiniyiintuna uu si wayn uga soo horjeedo arrintaas.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga