Madaxweynaha dalka Mexico ayaa ciidamada milatariga ee dalkiisa ku amray in ay afar sanno oo kale kasii hawl-galaan waddooyinka, si ay u yareeyaan danbiyada tirada badan ee dalkaas ka dhaca. Waa siyaasado hore loogu dhaliilay balse heerka danbiyada oo xadhkaha goostay ayaa ku kahsabtay in uu mar kale sii kordhiyo mudada.

War si rasmi ah xukuumadiisa uga soo baxay, ayuu madaxweyne Andres Manuel Lopez Obrador ku sheegay in ciidamada milatarigu ay qayb kasii ahaadaan sugida nabadda iyo badqabka guud.

Sanadka 2024 ayay ku egtahay mudada la hawl-galiyay ciidamadu, waa wakhti ku beegan dhammaadka muddo-xileedka madaxweynaha hawl-gabka ah ee Lopez oo kursiga yimi sanadkii 2018-kii.

Sanadkii 2019-kii waxa Mexico lagu dilay in ka badan 34,000 oo qof, halka bishii March ee sanadkan oo kaliyana la dilay 3000 oo qof.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga