‘’Sannadku, si wanaagsan buu ugu bilowday Sacuudi Carabiya, kadib jiidistii caajisku kujiray ee dhaqaalaha dalkaasi lagu kobcinayay iyada oo laga kaaftoomayo saliidda dalkaasi’’ Sidaas waxaa qoraal ku bilaabay, Wargeeska arrimaha dhaqaalaha ka faallooda ee The Economist, kaas oo todobaadkiiba mar kasoo baxa magaalada London,  laguna akhristo habka Online-ka.

Inkasta oo dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga sidoo kalena loo nisbeeyo inuu yahay ninka ay ka go’do talada dalkaasi, ayaa Wargeeskani waxa uu ku tilmaamay inuu ahaa mid u muuqday inuu boqortooyada u waday wanaagyo badan, sida ka fikiridda dhaqaale aan shidaal ku tiirsanayn iyo furfuris la xidhiidha dhanka dhaqaalaha ah, balse The economist waxaa uu sheegay inuu dhaqaale kobocii uu waday ay nusqaamiyay dagaalka uu Yemen ka wado, dilkii iyo googooyntii weriyihii Jamaal Khaashuqji, taas oo Sacuudiga ka baajisay maalgashiyo shisheeye.

Wargeeska the Economist waxaa uu ku timaamay sannadkan 2020 inuu yahay sannad lumay Sucuudiga, dhaxal-sugaha dalkaasi waxaa uu xabsiga u taxaabay xubno sare oo katirsan qoyska reer boqor, iyo isagoo bilaabay, dagaal dhanka shidaalka ah oo uu hoos u dhigay qiimaha saliida halkii ugu hoosaysay tan iyo 2003-dii, taasi oo sababtay buu yidhi The Economist inay ka xanaaqaan dawladaha Ruushka, Imaaraadka Carabta iyo Maraykanku.

Wargeeska dhaqaalaha ka faallooda ee The Economist, waxaa kale oo uu xusay in xanuunka Covid-19 uu uga sii darayo dhaqaalaha boqortooyada, iyadoo cabsida laga qabo xanuunkanina ay sababtay in Malaayiin Muslimiin ah oo Sucuudiga u iman jiray Xaj iyo Cumro kuwaas oo dhaqaale badan oo gelin jiray dalkaasi aanay sannadkan ahayn sidii hore.

Boqortooyda Sacuudiga ayaa kamid boqortooyooyinka ugu qanisan dunida, balse waxay su’aali ka taagan tahay sii jiritaanka hodantinimaadaas ee xitaa mustaqbalka dhow.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga