Hawl-galka nabad ilaalinta ee AMISOM ayaa war kasoo saaray ciidamo ka tirsan AMISOM ee dhawaan maxkamad ku taala Muqdisho ay xukuno kala duwan ku riday.

AMISOM ayaa xaqiijisay xukunka askaartaas, waxaanay warkooda ku xuseen in ay xukunka ku qaadan doonaan gudaha waddanka Uganda oo la gayn doono.

Laba askari oo ka mid ah waxa lagu xukumay dil toogasho ah, waxaana la sheegayaa in dilku uu ka dhici doono magaalada Muqdisho balse xaqiijinta ayaa laga sugayaa laamaha ay khusayso.

Ciidamadan ka tirsan AMISOM ayaa lagu helay in si badheedh ah ay u dileen dad rayid ah oo ku sugnaa deegaanka Golweyn.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga