Kooxda alShabab ayaa mar kale muddo laba todobaad ah weerar ku qaaday gudaha waddanka Kenya, iyadoo beegsatay aagag kala duwan.

Deegaanka Kamuthe oo hoos taga magaalada Gaarisa ayay ka dhaceen weerarada cusubi, waxaana la fuliyay subaxnimadii hore ee Isniinta maanta.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in maleeshiyaad hubaysani ay weerareen goob ay ciidan joogeen iyo iskuul ku yaala deegaanka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in alShabab ay beegsatay macalimiin aan u dhalan deegaanka oo meelo kale kasoo jeeda, balse wali xogaha ayaa xaddidan.

Ma jirto cid wali xaqiijin karta khasaaraha jira, waxaana aanu si dhaw ula socon doona wararka soo baxa, idinkoo goor kasta ka heli kara SAABTV.COM.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga